Cirfo: "Ciidamo Itoobiyaan Ah Ayaa Xasuuq Ka Geystay Gobolka" Dhageyso.

Friday May 29, 2015 - 09:37:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cirfo: "Ciidamo Itoobiyaan Ah Ayaa Xasuuq Ka Geystay Gobolka" Dhageyso.

    Xuseyn Cali Wehliye "Cirfo" oo ah gudoomiyaha Galguduud ugu magacaaban DF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya gaar ahaa Liyu Boliska ay weerareen degaano ka tirsan Galguduud oo dhaca dhanka xuduud beenaadka, halkaasoo uu sheegay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xuseyn Cali Wehliye "Cirfo" oo ah gudoomiyaha Galguduud ugu magacaaban DF ayaa sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya gaar ahaa Liyu Boliska ay weerareen degaano ka tirsan Galguduud oo dhaca dhanka xuduud beenaadka, halkaasoo uu sheegay iney dhibaato xooggan ka geysteen.



Sidoo kale Cirfo ayaa sheegay in Itoobiyaanku xasuuqeen dad shacabka ah iyagoo sidoo kale gubay guryihii aqalada ahaa ee dadka reer miyigu lahaayeen.

inkastoo bulshadu dagaalantay oo naftooda kasoo hor mariyay in lagu xad gudbo cirdigooda lana gumeysto, ayaa haddana waxaa jirta in waayihii u dambeeyayba ay astaamaha gumeysiga kasoo muuqanayeen Galguduud, waxaana taa ugu wacan dowladda iyo kooxaha suufida oo bulshada u garba duubay Xabashida kadib markii ay muddo ku oranayeen "waa walaalaheen”.



Su’aalaha aynu weydiinay Cirfo ayey arrintan kamid ahayd. Sidoo kale Isbitaalka magaalada Guriceel ayaa waxaa la dhigay ku dhawaad 20 ruux oo kusoo dhaawacmay weerarka gardarrada ah ee ciidanka Liyu bolis.

Itoobiya ayaa bulshada Soomaali galbeed ku gumeysata ciidankan iyadoo markii ay shacabku kacaan ku sirta inaaney ka war qabin tallaabada ay qaadeen askarta Liyu Boliska iyadoo ujeedadeeda ugu weyni tahay in ay dadku ciidankeeda qortaan oo Liyu Boliska noqdaan taasoo ay u muujiso iney ku badbaadayaan.

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

Related Items