Jabhadda Al Nusrah iyo Xoogaga Kacdoonka Suuriya oo Qabsaday Magaalada Isrtiraatiijiga ah Ee Ariixa.

Friday May 29, 2015 - 10:49:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda Al Nusrah iyo Xoogaga Kacdoonka Suuriya oo Qabsaday Magaalada Isrtiraatiijiga ah Ee Ariixa.

    Khasaara xooggan oo dhan walba ah ayaa gaaray nidaamka dabadhilifka wadanka Suuriya ee gummaadka ku haya shacabka muslimiinta sunniga ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan oo dhan walba ah ayaa gaaray nidaamka dabadhilifka wadanka Suuriya ee gummaadka ku haya shacabka muslimiinta sunniga ah.

Xoogaga Kacdoonka iyo Mujaahidiinta ayaa magaalooyin hor leh ka qabsaday ciidmada nidaamiga ah xilli isbuucyadii lasoo dhaafay ay mujaahidiintu isku fidinayeen deegaanno hor leh oo katirsan gobolada Ximis iyo Idlib.

Magaaladii ugu dambeysay oo ciidanka xukuumadda Suuriya ay ka joogeen gobolka Idlib ee waqooyiga dhaca ayaa gacanta mujaahidiinta Jabhadda Al-Nusrah iyo xoogaga kacdoonka galay.

Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa xaqiijinaya in xoogaga Islaamiga ah ee ku bahoobay ishaysiga Jeyshul Fatxi ay si nabad gelya ah kula wareegeen magaalada istiraatiijiga ah ee Ariixa.


Sarkaal u hadlay Jabhadda Al Nusrah ayaa xaqiijiyay in ciidankooda oo qeyb ka ah isbahaysiga Jeyshul Fatxi ay qabsadeen dhammaan xaafadaha magaalada Ariixa iyo mandiqadda Jabalul Arbaciin.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaallo kooban oo shalay ka dhacay hareeraha Ariixa ay sababeen in ciidanka Nidaamka Suuriya ay isaga cararaan magaalada Ariixa.

Qabsashada mujaahidiinta ee magaaladan ayaa suurtagal ka dhigaysa in kacdoonka Suuriya uu gaaro dhulka xeebaha oo ay degaan dadka Calawiyiinta ama Nuseyriyiinta ee Bashaar Al-asad uu kasoo jeedo,waa gobolkii 2-aad oo si buuxda uga baxa gacanta nidaamka Aala Asad ee mudada 4-ka sana gumeysanayay shacabka Muslimiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items