37 qof oo Lagu Dilay Deegaanno Galguduud Katirsan iyo Ciidanka Itoobiya oo Shacab Xasuuqay.

Saturday May 30, 2015 - 10:10:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    37 qof oo Lagu Dilay Deegaanno Galguduud Katirsan iyo Ciidanka Itoobiya oo Shacab Xasuuqay.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee kaabiga ku haya xad beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaanno katirsan gobolka Galguduud ee kaabiga ku haya xad beenaadka ay wadaagaan soomaaliya iyo Itoobiya.

Wararka ka imaanaya deegaanada kala ah dhagaxbuur iyo Laba-baar ayaa sheegaya in ciidamada xabashida Itoobiya ee Liyu booliska ay weerar xooggan ku qaadeen deegaanno ay deganyihiin shacab soomaaliyeed.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in dad kabadan 37 qof lagu dilay dagaallada,”17 katirsan dadka deegaanka iyo 20 katirsan ciidanka Liyu booliska ayaa lagu dilay dagaallo culus oo shalay ka dhacay Lababaar iyo dhagaxbuur”ayuu yiri mid kamida dadka deegaanka oo warbaahinta lahadlay.


Wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada Itoobiya ay cagta mariyeen dugsi qur’aan iyo guryo dad shacab ah leeyihiin iyagoo nolosha ku gubay carruur iyo haween.

Qabaa’illada soomaalida ee deggan xadbeenaadka ay wadaagaan galguduud iyo dhulka gumeysiga kujira ee Somaligalbeed ayaa si adag isaga caabiyay duullaanka uga yimid maleeshiyada Liyu booliska.

Dagaalkan oo galay isbuucii 2-aad ayaysan jirin cid katirsan maamulka Xasan Gurguurte oo ka hadashay waxaana muuqata in DF-ka iyo Xabashida Itoobiya iska warqabaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items