Kenya oo Qabanaysa Shir Looga Hadlayo Ka Hortagga Jihaadka Soomaaliya.

Saturday May 30, 2015 - 11:25:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Kenya oo Qabanaysa Shir Looga Hadlayo Ka Hortagga Jihaadka Soomaaliya.

    Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay qaban doonto shir caalami ah oo looga hadlayo ka hortagga Jihaadka ka socda bariga Afrika iyo qulqulka muslimiinta jihad doonka ee soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa ku dhawaaqday in ay qaban doonto shir caalami ah oo looga hadlayo ka hortagga Jihaadka ka socda bariga Afrika iyo qulqulka muslimiinta jihad doonka ee soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo ammaanka Kenya ayaa sheegtay in shirkan oo ay ka qeyb geli doonaan 30 wadan lagu falanqeyn doono sida ugu muhiimsan ee looga hortegi karo waxa loogu yeero "Xagjirnimadaā€¯.

Kenya oo ucaal waysay ka hortagga weerarada kaga imaanaya mujaahidiinta Soomaaliya ayaa wadamada reer galbeedka iyo wadaada xumayaal soomaali iyo Kenyaati ah ka codsatay in ay xal uraadiyaan qaabka ugu fudud ee loo yareyn karo baraarugga dhalinyarada muslimiinta kuwaasi oo sanadadii lasoo dhaafay dhanka jihaadka usii hayaamayay.


Kenya waxay sheegtay in dabayaaqada bisha June Nairobi lagu qaban doono shirka ka dhanka ah mujaahidiinta soomaaliya waxaana xoogga lagu saari doonaa sidii dhanka dacaayadaha loogala dagaalami lahaa shabaabul Mujaahidiin.

Sidoo kale shirkan ayaa lagusoo bandhigi doonaa kaalinta ay warbaahintu ku leedahay la dagaalanka muslimiinta gaar ahaan baraha bulshadu kuwada xariirto.

Shirkan ayaa daba socda shir bishii Febaraayo 2015 lagu qabtay aqalka cad ee Mareykanka kaasi oo la sheegay in looga hortegayo waxa loogu yeero Argagaxisada.

Related Items