Dhageyso:Al Shabaab oo Sheegtay in Muslimiinta Kenya ay Kibaandhaha ku Bedeleen Kalimadda Towxiidka Kadib Howlgalladii Mujaahidiinta.

Saturday May 30, 2015 - 12:16:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 35
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Al Shabaab oo Sheegtay in Muslimiinta Kenya ay Kibaandhaha ku Bedeleen Kalimadda Towxiidka Kadib Howlgalladii Mujaahidiinta.

    Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in kaalinta mujaahidiinta ee wadanka Kenya ay sii xoogeysatay islamarkaana ay wax ka bedeleen addoonsigii xukuumadda Kenya ku heysay dadka muslimiinta ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay in kaalinta mujaahidiinta ee wadanka Kenya ay sii xoogeysatay islamarkaana ay wax ka bedeleen addoonsigii xukuumadda Kenya ku heysay dadka muslimiinta ah.

Sheekh Xasan Yacquub Cali oo ah waaliga Galguduud ayaa sheegay in howlgallada shabaabul mujaahidiin ee Kenya ay sababeen in dadka muslimiinta ah ay iska tuuraan sharci kugalka Kibaandhaha loo yaqaan.

Wuxuu sheegay in ciidanka mujaahidiinta ay dadka bareen Towxiidka "Dadka muslimiinta ah ee ku nool dhulka soomaalida NFD illaa iyo xeebaha waxay bilaabeen in ay iska dhigaan Kibaandhaha waxaana baasaboor u noqday kalimadda Towxiidka”ayuu yiri Sh.Xasan Yacquub.


Mas’uulkan ayaa sheegay in dadka muslimiinta ee ku dhaqan qeybo katirsan Kenya ay Kalimadda Towxiidka (Ashahaadateynka) ka dhigteen baasaboor islamarkaana uu meesha ka baxay adeegsiga Kibaandhaha oo gumeystaha Kenya bulshada ku kala geeyay.

Howlgallo dhowr ah oo ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen gudaha Kenya ayay ku dileen dadka Nasaarada ah halka dadka muslimiinta ah ay ku badbaadayeen kalimadda Towxiidka iyadoona marmarka qaar la arko dad gaala ah oo bartay kalimadda towxiidka si ay uga badbaadaan xabadda mujaahidiinta.

Sheekh Xasan Yacquub ayaa kalimadda jeediyay xilli uu boqolaal qof kula hadlayay masjid kuyaal gobolka Galguduud ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

Halkan ka dhageyso Sh.Xasan Yacquub MP3


Related Items