Dhageyso: Sh.Xassan Yacquub oo Ka Hadlay Xasuuqa ay Itoobiya Ku Heyso Bulshada Ku Dhaqan Xuduud Beenaadka.

Sunday May 31, 2015 - 20:05:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 50
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Sh.Xassan Yacquub oo Ka Hadlay Xasuuqa ay Itoobiya Ku Heyso Bulshada Ku Dhaqan Xuduud Beenaadka.

    Sheekh Xassan Yacquub Cali waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galguduud oo wareysi gaar ah siiyay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa ka waramay xasuuqa maalintii lixaad galay ee ay ciidanka Liyu Bolisku ka wadaan xuduud beenaadka uu gobolka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sheekh Xassan Yacquub Cali waaliga wilaayada islaamiga ah ee Galguduud oo wareysi gaar ah siiyay war baahinta islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa ka waramay xasuuqa maalintii lixaad galay ee ay ciidanka Liyu Bolisku ka wadaan xuduud beenaadka uu gobolka Galguduud la wadaago dhulka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu horey u qabsatay.



Waxa uu faah faahin ka bixiyay qaabka dadka loo leynayo iyo dhacdooyin kale oo lagu beegsanayo xoolaha dadka reer miyiga ah ee Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale wax laga xumaado ku tilmaamay tallaabadii ay maanta Xabashida Guriceel joogtaahi ku celiyeen dhaawacyo la doonayay is isbitalka magaalada lagu dabiiyo.

Sheekh Xassan waxa uu bulshada u bidhaamiyay in DF tahay mid aad u damiir xun, maadaama wax kale iska dhaafe, aane xitaa hadal ka oran gumaadka ku socda dadka Soomaaliyeed.



Ummada Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay iney u midoobaan cadawgooda. Si gaar ah wax uu qabaa’ilka degna xuduud beenaadka ugu baaqay iney is garabsadaan oo ay iska diidaan gumeysiga Amxaarada.

Dhageyso Wareysiga Waaliga Galgaduud Sheekh Xasan Yacquub oo ka hadley Xasuuqa Liyu Bolisku ku hayaan Muslimiinta

Xigasho:Idaacadda Alfurqaan

Related Items