Daawo:Yahuudda oo isku Diyaarisay Duullaan Ka Dhan Ah Magaalada Qaza.

Saturday July 05, 2014 - 09:42:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 10
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Daawo:Yahuudda oo isku Diyaarisay Duullaan Ka Dhan Ah Magaalada Qaza.

    Kumanaan katirsan ciidamada Yahuudda oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ayaa kaabiga ku haya magaalada waxayna ku hanjabayaan in ay xoog ku gali doonaan magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kumanaan katirsan ciidamada Yahuudda oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ayaa kaabiga ku haya magaalada waxayna ku hanjabayaan in ay xoog ku gali doonaan magaalada.

Wararka ka imaanaya magaalada qaza ee dhulalka filasdiin ayaa sheegaya in xaalad heegan ah lageliyay dhammaan xoogaga wax iska caabinta ee magaaladaasi ku sugan.

R/Wasaaraha Yahuudda Benyamiin Netenyaahu oo saxaafadda lahadlay ayaa amar kusiiyay ciidankiisa in ay dhanka magaalada qaza udhaqaaqaan si ay shacabka muslimiinta u xasuuqaan.

Yahuudda ayaa isku dayaysa in ay gumaad hor leh geysato si ay uga aargudato sedax qof oo dhawaan looga qafaashay magaalada alkhaliil kadibna ladilay.


Guutada Cizudiin qasaam oo ah garabka melleteri ee Ururka xamaas ayaa ku goodisay si ay adag ay isaga caabin doonto weerarka loo qorshaynayo magaalada qaza.

Afhayeen u hadlay cizudiin qasaam ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadoodu ay diyaar garoow buuxa ugu jiraan sidii ay isaga difaaci lahaayeen weeraraka cudwaaniga ah ee Yahuudu ku qaaday magaalada qaza.

Dagaalyahanno mujaahidiin ah oo wajiyadu u xiranyihiin islamarkaana si aad ah uhubeysan ayaa kasoo muuqday magaalada qaza iyagoo dhoolatus melleteri dhigayay.

Mujaahidiin kale oo iyana ku sugan magaalada gaza ayaa hubkooda banaanka ulasoo baxay waxay ku baaqeen xaalad nafiir ah oo muslimiinta gaza ay galaan si yahuudda laysaga caabiyo.

Kooxda Jihaadul islaami iyana waxay soo bandhigtay cudud melleteri dhammaan jamaacaadka hubeysan ee marinta qaza ku sugan ayaa iclaamiyay xaalad nafiir ah oo yahuudda ka dhan ah.

dhalinyaro filasdiiniyiin ah oo waxkabarta jaamacadaha iyo iskullada ayaa iyana sheegay in ay ka qeyb qaadan doonaan difaaca magaalada,jawiga qaza ayaa ah mid dagaal.

Sarkaal uhadlay maamulka Yahuudda ayaa sheegay indhankooda aysan dan ugu jirin in ciidankooda weerar dhanka barriga ah ku gala qaza balse ay ka go’antahay in ay yareeyaan awoodda wax uu ugu yeeray argagaxiso oo uu ula jeedo xoogaga waxiska caabinta.


Hoos ka daawo warbixin ku saabsan duullaanka Yahuudu u qorsheysay magaalada Gaza


Related Items