Tarsan oo Sheegay in Dowladda Federaalka aysan Haysan Ciidan Ammaanka Sugi Kara.

Saturday July 05, 2014 - 15:16:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Tarsan oo Sheegay in Dowladda Federaalka aysan Haysan Ciidan Ammaanka Sugi Kara.

    Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday hay'adaha ammaana Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ugu magacaawnaa Dowladda Federaalka ayaa weerar dhanka afka ah ku qaaday hay'adaha ammaana Muqdisho.
Maxamuud Nuur Tarsan oo ka qeybgalay dood ay qabatay Idaacadda BBC-da ayaa sheegay in dowladda Federaalka aysan laheyn ciidan dhamaystira oo sugi kara ammaanka degmooyinka Banaadir.

"Dowladdu maheysto ciidan laysku hallayn karo oo ammaanka sugi kara tusaale waxaa noogu filan ciidamada saldhigyada booliska ku sugan hub dhamaystiran maheystaanā€¯ayuu yiri Tarsan.

Mar wax laga weydiiyay farqiga udhaxeeya maamulkii uu madaxda u ahaa iyo maamulka hadda jiro wuxuu sheegay in aysan wax lataaban kara udhaxeyn isagoo walaac ka muujiyay awoodda sii koreysa ee Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Muqdisho ku leedahay.


Caddeymahan uu bixiyay Tarsan waxay kusoo aadayaan xilli Maamulka Muungaab madaxda ka yahay uu ku fashilmay sugidda ammaanka Muqdisho.


Mahad Kheyre

SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]


Related Items