Askar Katirsanaa Dowldda Federaalka Oo Dharaar Cad Lagu Dilay Degmada X/JaJab Muqdisho.

Saturday July 05, 2014 - 15:42:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askar Katirsanaa Dowldda Federaalka Oo Dharaar Cad Lagu Dilay Degmada X/JaJab Muqdisho.

    Dilalka ka dhanka ah askarta,saraakiisha iyo mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilalka ka dhanka ah askarta,saraakiisha iyo mas'uuliyiinta dowladda Federaalka ayaa wali kasii socda magaalada Muqdisho.

Xoogag hubeysan ayaa maanta barqadii xaafadda Afisyooni ee degmada Xamar-Jajab ku dilay laba askari oo katirsan ciidanka DF-ka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan oo watay gaari nuuca raaxada ah ay toogashada geysteen kadibna ay isaga baxsadeen goobta.

Cali Gaab oo ku magacaaban taliyaha ammaanka waddooyinka Muqdisho ayaa ka gaabsaday in uu faah faahin ka bixiyo dilkan ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.


Weeraro xariir ah ayaa ka socda degmooyinka gobolka Banaadir tan iyo markii ay bilatay bisha barakaysan ee Ramadaan waxaana weeraradaasi sheegtay xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Waxaa beenoobay ballan qaad uu 6 maalmood ka hor jeediyay Xasan Sheekh oo ahaa in la adkeeyay ammaanka Muqdisho si looga feejignaado weeraro ay Al Shabaab kusoo beegto bisha Ramadaan.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items