Faah Faahin:Weeraro Khasaara Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Degmooyinka Mpeketoni iyo Mandheera Ee Dalka Kenya.

Tuesday July 07, 2015 - 19:55:54 in Wararka by Somali Memo
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 45
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Weeraro Khasaara Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Degmooyinka Mpeketoni iyo Mandheera Ee Dalka Kenya.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha wadanka Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weeraro khasaara dhaliyay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay gudaha wadanka Kenya.

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hubeysan oo ka dhacay duleedka magaalada Mandheera lagu dilay tobaneeyo qof oo Nasaaro Kenyaan ah.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in ciidankeedu ay tobaneeyo qof ku dileen weerar qorshaysan oo ka dhacay Mandheera,sarkaal u hadlay ciidanka Al Shabaab ayaa sheegay in weerarkan ay qaadeen uu aargud u ahaa gummaad ay ciidamada Kenya bilihii lasoo dhaafay ugeysanayeen dad muslimiin ah.


Warbaahinta Maxalliga Kenya ayaa sheegtay in weerarka oo ka dhacay meel ku dhaw degmada Mandheera lagu dilay 14 qof halka tobaneeyo kale ay dhaawacyo soo gaareen.

Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayaa caawa fiidkii ka dhacay gobolka Lamu ee dhaca xeebaha dalka Kenya,wararka ka imaanaya Kenya ayaa xaqiijinaya in qaraxyo xooggan laga maqlay wadada isku xirta Mpeketoni iyo Lamu.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxyo lala helay gaadiid dagaal oo gelbinayay basas waxaana jirta gubasho gaartay gaadiidka basaaska ah.
Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka xarakada Al Shabaab ayaa baahisay in mujaahidiintu ay weerar dhabagal ah ka fuliyeen wadada xiriirisa Mpeketoni iyo Lamu.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Kenya oo ku aaddan weeraradan cusub ee ka dhacay deegaanka Lamu ee loo dalxiiska tago.

Related Items