Dhageyso+Akhriso:Nuxurka Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Soo Diray Dhambaal Tahniyadeed Oo Ku Aadan Munaasabadda Ciidda.

Friday July 17, 2015 - 13:43:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.9/5 Stars) Total Votes: 42
  • 10 3
  • Share via Social Media

    Dhageyso+Akhriso:Nuxurka Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab Oo Soo Diray Dhambaal Tahniyadeed Oo Ku Aadan Munaasabadda Ciidda.

    Markii ugu horraysay amiirka cusub ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Abuu Cubeyda ayaa soo saaray bayaan muhiim ah oo uu uga hadlayo xaaladda muslimiinta bariga afrika gaar ahaan Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay amiirka cusub ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin Sheekh Abuu Cubeyda ayaa soo saaray bayaan muhiim ah oo uu uga hadlayo xaaladda muslimiinta bariga afrika gaar ahaan Soomaaliya.

Amiirka Xarakada AlShabaab AlMujaahideen Abuu Cubeydah Axmed Cumar ayaa soo diray dhambaal tahniyadeed oo ku aadan Munaasabadda Ciidda, kuna socda Umadda Islaamka Meel waliba oo ay joogaan, Waxaana uu sidoo kale kalimadda kaga hadlayaa arimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin Xaaladda Wilaayaadka Islaamiga.


Amiirka ayaa ugu horeyn Umadda Islaamka ugu hambalyeynaya Munaasabadda ciidda, Wuxuuna u sheegayaa Muslimiinta in ciiddan ay timid Xilli Wilaayaadka Islaamiga iyo ciidamada Mujaahidiinta ay ku jiraan hormar iyo baraare, Islamarkaana ay xaqiijiyeen guulo waaweyn oo ka dhan ah cadowga Alle.



"Umadda Islaamka ahey, Ciidan waxay noo timid Xilli Wilaayaadka Islaamiga iyo ciidankooda Allah fadligii ay ku jiraan hormar iyo barwaaqo, Sidoo kalena Shareecada Alle ay maamuleyso dhulka, Mujaahidiintuna ay guullo xiriir ah ka gaarayaan dagaalka ay kula jiraan cadowgooda. Guulahaas oo kuwii ugu dambeeyey ay ahaayeen firxadkii saliibiyiinta ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah intii lagu guda jiray Bishii Barakeysneyd ee Ramadaan, Allah oo kaliya ayaan ku mahadsan oo guulahaas na siiyey” ayuu Abuu Cebeyda Ku yiri dhambaalkiisa.

Sidoo kale, Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab wuxuu sheegay in uu fashilmay makrigii uu cadowga u soo maleegay Umadda Islaamka ee lagu doonayey in lagu kala dhantaalo maamulada Islaamiga ee Wilaayaadka, Wuxuuna tilmaamay in dowlado dhowr ah oo ay ugu horeeyaan Turkiga iyo Imaaraatka carabta ay ku hungoobeen damacyadii ay ka lahaayeen Soomaaliya.

Wuxuu Aad u Amanay qabaa’ilka Soomaaliyeed ee halyeeyada ah, Isagoona ugu baaqay in ay sii wadaan Jihaadkooda ka dhan ah cadowga Alle, ayna sii kordhiyaan nafhurka ay ku bixinayaan Jihaadka wadada Alle.

"Anagoo ka faa’ideysanaya fursaddan waxaan doonayaa in aan halkaan ka bogaadiyo qabaa’ilkeena halyeeyada ah, Anigoo ugu hambalyeynayo nafhurka ay ku bixiyeen, welina ay ku bixinayaan dhiigooda iyo maalkooda si ay ugu hiiliyaan diinta Alle, Waxaana markale ugu celineynaa baqeena ah in ay sii wadaan dagaalka Jihaadka. Waxaan leenahay Ansaarta ugu wanaagsan u noqda diintan, Kuna dayda wadada Awoowayaashiinii idinka horeeyey ee Ansaartii Aws iyo Khazraj” Ayuu yiri.

Mar uu soo hadal qaaday dagaalka Caskariga ee ka dhanka ah cadowga Alle, Wuxuu Amiirku tilmaamay in howlgalada Mujaahidiintu ay ku socdaan dardar xoogan tiro ahaan iyo tayyo ahaan intaba, Wuxuuna xusay in Mujaahidiintu ay xaqiijiyeen guulo aad u waaweyn.

Wuxuu aad u Amaanay Guutada "Ashahiid Abuu Zubeyr” taas oo dhowrkii todobaad ee la soo dhaafay dharbaaxooyin adag ku dhufatay saliibiyiinta, Islamarkaana howlgalo lagu laayey saliibiyiinta ka fuliyey Wilaayada Sh/hoose.

"Waxaan Sidoo kale isla munaasabaddan halkaan ugu bishaareyneynaa umadda Muslimka ah dhismaha Guutada cusub ee dhawaan lagu dhawaaqay taas oo ah "Guutada Ashahiid Abuu Zubeyra –Allaha ka aqbalo Shahaadadiisee- Waxaana ku dhiira gelineynaa Fursaanteeda iyo geesiyaasheeda bilowga xoogan ee ay ku dhaqaaqeen, Waxaana u direynaa tahniyad ku aadan Munaasabadda Ciidda, Waxaana ugu hambalyeyneynaa camaliyaatkoodii ugu dambeeyey ee gilgilay Tiirarka Kufriga. Waxaan idiin leenahay horay u socda oo Kordhiya weeraradiina ka dhan ah Kufaarta, Waxaana Allah weydiisaneynaa in uu idiin xifdiyo, Hadafkiina iyo go’aankiina uu sugo”.

Amiirka Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday xaaladaha ay ku jiraan Muslimiinta Kenya, Ethiopia, Afrikada dhexe, Djibouti iyo Uganda, Isagoona xusay in Mujaahidiintu aysan marnaba ka joogsan doonin in ay u nusreeyaan dadkaas.

Wuxuu sidoo kale hadal qaadayaa musiibooyinka adag ee heysta Muslimiinta Burma, Isagoona dadka Muslimiinta ugu baaqay in ay u gurmadaan dadkaas, ayna ku taageeraan waxwaliba oo ay awoodaan.

ugu dambeyntii Wuxuu Amiirka dhambaalkiisa ku soo gabagabeynayaan in Xarakada Mujaahidiinta AlShabaab ay weli ku taagantahay dhabihii ay ku shahiideen hogaamiyeyaasheedii hore, ayna sii wadi doonto dagaalka Jihaadka iyo hergelinta ku dhaqanka shareecada Islaamka.


Kalimadda oo Idaacadda Andalus lagasii daayay MP3.

Halka ka akhriso Kalimadda Abuu Cubeyda oo qoraal ah Arabic PDF

Halkan ka akhriso Kalimadda oo English ah

Related Items