Q.Midoobe oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Ammaanka Muqdisho iyo Dilalka Xildhibaanada.

Sunday July 06, 2014 - 07:46:51 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Q.Midoobe oo Walaac Ka Muujisay Xaaladda Ammaanka Muqdisho iyo Dilalka Xildhibaanada.

    Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa ammaanka magaalada Muqdisho xilli maalmihii lasoo dhaafay ay caasimaddu martigelisay dilal iyo qaraxyo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Banki Moon
Waxa loogu yeero Q.Midoobe ayaa walaac ballaaran ka muujinaysa ammaanka magaalada Muqdisho xilli maalmihii lasoo dhaafay ay caasimaddu martigelisay dilal iyo qaraxyo.


Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Soomaaliya Nick Kay ayaa si kulul u dhaleeceeyay weerarada is xigxiga ee xarakada Shabaabul Mujaahidiin ku qaaday xarmaha dowladda Federaalka.

"aad baan uga xunahay weerarada dhiiggu ku daadanayo ee Muqdisho ka socda,dilka xildhibaanada iyo saraakiisha dowladda waa wax aan la aqbali Karin”ayuu yiri Nick Kay.

Q.Midoobe ayaa madaxda DF-ka ku dhaliishay in ay waxka qaban waayeen ammaanka caasimadda,Nick Kay oo ah xaakimka gumeystaha uqaabilsan maamulidda Soomaaliya ayaa wax murugo leh ku sifeeyay xaaladda Muqdisho.


"Q.Midoobe way sii wadi doontaa taageeridda hay’adaha sharciga Federaalka illaa ay Soomaaliya cagaheeda isku taagayso”ayaa lasii raaciyay wara Q.Midoobe kasoo baxay.

Warkan wuxuu kusoo aadayaa xilli todoba maalmood gudahood magaalada Muqdisho ay ka dhaceen weeraro is xigxigay oo lagu dilay saraakiil ciidan iyo Xildhibaanno.

Liibaan Jeexoow Cabdi.
SomaliMeMo,Muqdisho.


[email protected]


Related Items