Weerar Khasaara Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Gudaha Kenya iyo Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay.

Sunday July 06, 2014 - 08:06:25 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Badan Dhaliyay oo Ka Dhacay Gudaha Kenya iyo Xarakada Al Shabaab oo Sheegatay.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weeraro hor leh lagu qaaday gobollo katirsan wadankaasi oo bishii lasoo dhaafay dad badan lagu laayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawirka Weerar June,2014 ka dhacay Mpeketoni
Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weeraro hor leh lagu qaaday gobollo katirsan wadankaasi oo bishii lasoo dhaafay dad badan lagu laayay.

Saraakiisha booliska Kenya ayaa xaqiijiyay in sedax weerar dhaceen islamarkaana dad badan latoogtay guryo iyo saldhig boolisna lagubay.

Warar lagu kalsoonyahay oo warbaahinta Kenya ay baahisay waxay sheegayaan in deegaanka Hindi oo ku dhaw Jaziiradda Lamu uu ka dhacay dagaal waqti badan socday.

Sidoo kale weerar kale oo khasaara dhaliyay wuxuu xalay ka dhacay deegaanka Gamba Tanarifa,Sheekh C/Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa warbaahinta usheegay in ciidankoodu ay weeraro hor leh ku qaadeen dalka Kenya.


Mas’uulkan u hadlay xarakada Al Shabaab wuxuu sheegay in 10 qof ay ku dileen weerarka balse wali war faah faahsan oo ku saabsan weerarka kamasoo bixin dhanka dowladda Kenya.

Weerar ay ku dhinteen inkabadan 70 qof ayaa bishii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanka Mpeketoni ee hoos yimaad Jaziiradda Lamu,tani waxay qeyb ka tahay ammaan darrada baahsan ee kajirta wadanka Kenya tan iyo markii ciidanka Kenya duullaanka gardarrada ah kusoo qaadeen Soomaaliya.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected],com.


Related Items