Askar Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Maqaaxi Kutaal Degmada Beled Xaawo gobolka Gedo.

Sunday July 06, 2014 - 13:23:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Askar Lagu Dilay Qarax Ka Dhacay Maqaaxi Kutaal Degmada Beled Xaawo gobolka Gedo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay uu maanta ka dhacay magaalo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Gedo ayaa sheegaya in qarax khasaara badan dhaliyay uu maanta ka dhacay magaalo ay gacanta ku hayaan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka la shaqeeya.

Goob joogayaal ayaa sheegay in maanta barqadii qarax lala eegtay maqaaxi ay ka cunteynayeen maleeshiyaad amxaara kalkaal ah bartama degmada Beled Xaawo.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in laba kamid ah maleeshiyaadka Masoomayaasha amxaara kalkaalka ah lagu dilay qaraxii maanta.

Xaaladda Beled Xaawo ayaa deggan inkastoo gudaha magaalada lagu arkayo ciidamo gaadiidka dagaalka wata oo waddooyinka dhax wareegaysanaya.


Ma ahan markii ugu horreysay oo qarax ka dhaco degmada Beled Xaawo balse waa qaraxii ugu horreeyay ee degmadaasi ka dhaco tan iyo markii ay bilatay bisha barakeysan ee Ramadaan.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items