Dhageyso:Sheekh Yuusuf Kaba-tukade oo Ka Hadlay Arrimo Muhiim ah,Duullaanka Cusub Ee Itoobiya iyo Xasuuqii Marka.

Thursday August 06, 2015 - 20:51:10 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Sheekh Yuusuf Kaba-tukade oo Ka Hadlay Arrimo Muhiim ah,Duullaanka Cusub Ee Itoobiya iyo Xasuuqii Marka.

    Waaliga wilaayada islaamiga shabeelaha dhexe sheekha Mujaahidka ah Yusuf Ciise Kaba-kutukade ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ku aaddan xaaladda dalka soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waaliga wilaayada islaamiga shabeelaha dhexe sheekha Mujaahidka ah Yusuf Ciise Kaba-kutukade ayaa ka hadlay arrimo muhiim ah oo ku aaddan xaaladda dalka soomaaliya.

Sheekha oo wareysi siiyay idaacadda Islaamiga Andalus ee afka xarakada Al Shabaab ku hadasha ayaa sheegay in dalka soomaaliya ay duullaan qaawan kusoo qaadeen kumanaan katirsan ciidamada xabashida Itoobiya iyo calooshood u shaqeystayaal Afrikaan ah.

Kaba-kutukade wuxuu sheegay in gobolka shabeelaha dhexe uu qeyb ka yahay meelaha ay cadawga shisheeye kusoo duulleen isagoona bulshada gobolka ku ammaanay kaalinta ay ka qaadanayaan difaaca diinka iyo dalka.


Kaba Kutukade wuxuu ku dheeraaday ka hadalka duullaanka ciidamada itoobiya wuxuuna sheegay in Itoobiyaanku ay doonayaan qabsashada dhulka soomaaliyeed iyo xasuuqa shacabka.

Halkan ka dhageyso Q.1aad ee Wareysiga Kaba-kutukade Mp3

Related Items