Ku Dhawaad 40 askari oo Ciidanka Itoobiya looga dilay Dagaallo ka Dhacay Deegaanka Nuur Fanax Duleedka B/weyne

Thursday August 06, 2015 - 22:56:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Ku Dhawaad 40 askari oo Ciidanka Itoobiya looga dilay Dagaallo ka Dhacay Deegaanka Nuur Fanax Duleedka B/weyne

    Ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah ayaa ku hoobtay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Beled weyne xarunta gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir Hore Meydadka ciidamo itoobiyan ah oo lagu dilay deegaanka Jameeco Sh.hoose
Ciidamo Xabashi Itoobiyaan ah ayaa ku hoobtay dagaallo culus oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno dhaca duleedka magaalada Beled weyne xarunta gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya tuulada Nuur Fanax oo qiyaastii 45KM ujirta Beled weyne ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ay ka galaneen dagaallo saacado badan qaatay iyadoona khasaara xooggan la gaarsiiyay ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada Itoobiya laga gubay laba gaadiidka ciidanka xambaara ah islamarkaana laga dilay ku dhawaad 35 askark.


Dagaalka ugu culus ayaa xabashida ku qabsaday dhul buuralay ah iyadoona shiishyahano katirsan Al Shabaab ay sheedda ka toogteen ciidamo Itoobiyaan ah,wararka ayaa intaasi ku daraya in gaadiidka uuraalada loo yaqaan ay ku dhax gubteen ciidamo Itoobiyaan ah.

Goob jooge ku sugan meel ku dhaw Nuur Fanax ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka madaafiic culus iyo rasaas lays dhaafsanayay,dadka deegaanka waxay sheegeen in xaddiga dagaalkii maanta uu ahaa mid culus waxaana dagaallada si toos ah uga qeyb qaadanayay diyaaradaha qumaatiga u kaca oo duqeym ka geysanayay dhulka buuralayda ah.

Tobaneeyo neef oo ari iyo geel isugu jira ayaa la sheegay in ay bakhtiyeen kadib markii ay haleeleen madaafiicda ay tuurayeen ciidamada gumeysiga Itoobiya ee soomaaliya kusoo duulay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items