IS oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 20 Askari Sacuudiyaan Ah Lagu Dilay.

Friday August 07, 2015 - 10:52:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    IS oo Sheegatay Mas'uuliyadda Weerar 20 Askari Sacuudiyaan Ah Lagu Dilay.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda dabadhilifka Sacuudiga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar khasaara badan dhaliyay oo lala eegtay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan xukuumadda dabadhilifka Sacuudiga.

Wararka ka imaanaya magaalada Abha ee dhacda Koonfurta Sacuudiga ayaa sheegaya in weerar uu fuliyay ruux naftii hure ah ay ku dhinteen 20 katirsan ciidamada ammaanka aala sacuud.

War rasmi ah oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha gudiga sacuudiga ayaa lagu sheegay in qaraxu uu qabsaday masjid ay ciidamada ammaanka ku lahaayeen saldhig melleteri oo magaalada Abha katirsan.

Telefeshinka afka xukuumadda ku hadla ayaa xaqiijiyay in ruux walxaha qarxa iskusoo xiray uu si lama filaan ah ku galay dhismaha xarunta ciidanka kadibna uu is qarxiyay.


Mujaahidiinta dowladda islaamiga ah ayaa durbadiiba lasoo degdegtay sheegashada weerarka,bayaan lagu baahiyay baraha internetka ayaa lagu sheegay in ruux mujaahid ah uu camaliyad ka fuliyay isku imaatinka ciidanka sacuudiga.

Ma ahan markii ugu horraysay oo weerar lagu qaado xarumo kuyaal gudaha Sacuudiga,xukuumadda Sacuudiga ayaa qeyb ka ah isbahaysiga Mareykanku hoggaaminayo ee duullaanka dhanka ah cirka ah ku qaaday dowladda Islaamiga ah maamulladeeda Ciraaq iyo Suuriya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items