Ciidamada Mujaahidiinta oo dagaal kula Wareegay Galbeedka B/Weyne iyo Dagaal ka dhacay deegaanka Garasyaani Ee gobolka Hiiraan.

Friday August 07, 2015 - 11:08:36 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Mujaahidiinta oo dagaal kula Wareegay Galbeedka B/Weyne iyo Dagaal ka dhacay deegaanka Garasyaani Ee gobolka Hiiraan.

    Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaano katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dagaallo ayaa dib uga qarxay deegaano katirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada shabaabul mujaahidiin ay xalay saqdii dhexe weeraro xooggan ku qaadeen saldhigyo maleeshiyaadka Jabuuti iyo kuwa DF-ka ay ku leeyihiin galbeedka B/weyne.

Dagaallada oo muddo saacada ah socday kadib ayay xoogaga Al Shabaab ugu suurtagashay in ay qabsadaan galbeedka "qorrax-sinkaā€¯ magaalada B/weyne.

Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in ciidamada mujaahidiintu ay muddo saacada ah heysteen qeyb kamid ah B/weyne balse saaka aroortii ayay dib ugasoo gurteen.


Dhinaca kale weerar dhabagal ah ayaa maanta barqadii ciidamada Xabashida Itoobiya ku qabsaday tuulada Garasyaani oo dhacda wadada xiriirisa deegaanka Halgan iyo magaalada B/weyne.

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa lafilayaa in ciidamada shisheeye ay kasoo gaareen weerarkii Garasyaani ka dhacay,sedaxdii maalmood ee lasoo dhaafay ayay dagaallo culus ciidanka Itoobiya ku qabsadanayeen deegaano katirsan gobolka Hiiraan oo ay duullaan gardarra ah ku qaadeen.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items