Ciidamada Al Shabaab oo Xureeyay Degmada Ceelgaras iyo Deegaanka Ceel-lahelay.

Saturday August 08, 2015 - 16:22:13 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 2 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab oo Xureeyay Degmada Ceelgaras iyo Deegaanka Ceel-lahelay.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada xabashida Itoobiya ay isaga baxeen degmada Ceelgaras iyo deegaano hoos yimaad.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in ciidamada xabashida Itoobiya ay isaga baxeen degmada Ceelgaras iyo deegaano hoos yimaad.

Maanta gelinkii dambe ayay ciidamada shabaabul Mujaahidiin dib ula wareegeen degmada Ceelgaras iyo deegaanka Ceel-lahelay,wariye ku sugan galguduud ayaa soo sheegay in ciidamada gumeysiga Itoobiya ay u dhaqaaqeen dhanka degmada Dhusamareeb.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in weeraro is daba joog ah ay ciidamada gumeysiga Itoobiya kala kulmeen mujaahidiinta Al Shabaab iyo dadka deegaanka kadibna ay bilaabeen dib ugurasho.


Boqolaal katirsan ciidamada shabaabul Mujaahidiin ayaa isku fidiyay dhammaan deegaanada xiriiriya magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelbuur ee bartamaha dalka Soomaaliya,inkastoo xabashida Itoobiya ay maalmihii lasoo dhaafay deegaano qabsanayeen hadane intabadan dhulka dhaca bartamaha iyo Koonfurta soomaaliya waxaa maamusha shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items