Dhageyso:Ciidanka Itoobiya oo Xasuuq Ka Geystay Deegaanka Halgan iyo Beesha Xawaadle Oo Kacdoontay.

Sunday August 09, 2015 - 10:28:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso:Ciidanka Itoobiya oo Xasuuq Ka Geystay Deegaanka Halgan iyo Beesha Xawaadle Oo Kacdoontay.

    Ciidamada Itoobiya ayaa dad qaraabo ahaa ku xasuuqay illinka magaalada Halgan ee gobalka Hiiraan sida ay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan u sheegeen qaarka mid ah dadka deegaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Itoobiya ayaa dad qaraabo ahaa ku xasuuqay illinka magaalada Halgan ee gobalka Hiiraan sida ay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan u sheegeen qaarka mid ah dadka deegaan.



Dadka oo gaari bas ah saarnaa ayaa ka yimid dhanka Baledweyne, iyagoo u socday tacsida nin oday ah oo deegaanka ku dhintay, lana oran jiray Cali Macoow.

Ciidamada Amxarada iyo Tigreega ayaa baska joojiyay oo dadka ka dejiyay, dabadeedna hal mar ayay si wada jir ah rasas ugu fureen sida dadka Halgan ku dhaqan tilmaamayaan.

Todobo ruux ayaa dhimatay, lix kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray, waxaana degaanka ka jirta murugo iyo calool xumo weyn, iyadoo bulshadu dareemeen naceybka lafaha iyo dhuuxa ku jira ee Itoobiyaanku u qabo muslimiinta.



Nabadoonka Beesha Xawaadle ee dadka la laayay ka dasheen oo la yiraahdo Cabdi xiirey ayaa wareysi ay la yeelatay Idaacadda Islaamiga ah ee Alfurqaan ku sheegay in ay ka go’an tahay in ay hubka qataan oo ay cirib tiraan shisheeyaha ku soo duulay.

Halgan Itoobiyaanku iyagoo joogay wax aan ka badneyn 24 saac ayay geysteen xasuuqaan arxan darada ah waxanay durba deegaanka ka bilaabeen howlihii gumeystaha lagu aqoon jiray.

Halkan ka dhageyso Wareysi lala yeeshay Nabadoon Cabdi Xiireey MP3
Halkan ka dhageyso Dadka deegaanka oo Xasuuqa ka hadlaya MP3
Xigasho:idaacadda Alfurqaan

Related Items