Jabhadda Al-Nusrah oo kasoo Horjeesatay Duullaanka Turkiya ee Dalka Suuriya (Bayaan).

Monday August 10, 2015 - 11:57:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabhadda Al-Nusrah oo kasoo Horjeesatay Duullaanka Turkiya ee Dalka Suuriya (Bayaan).

    War rasmi ah oo kasoo baxay jabhadda Al Nusrah ayaa lagu sheegay in xoogaga mujaahidiinta ee jamaacada ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Xalab ee dalka suuriya halkaasi oo lafilayo in ay duullaan ku qaadaan ciidamo ka socda dalka Turkiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay jabhadda Al Nusrah ayaa lagu sheegay in xoogaga mujaahidiinta ee jamaacada ay isaga baxeen waqooyiga gobolka Xalab ee dalka suuriya halkaasi oo lafilayo in ay duullaan ku qaadaan ciidamo ka socda dalka Turkiya.

Jabhadda Al Nusrah oo kaalin wayn ku leh dagaalka ka socda Suuriya ee lagu diidanyahay nidaamka bashaar Al-asad waxay caddeysay mowqifkeeda ku aaddan duullaanka Turkiya uu la maaganyahay dowladda Islaamiga ah.

Waxay sheegtay in sharci aysan aheyn ka qeyb galka duullaanka iyadoona xaqiijisay in qaar katirsan kooxaha mucaaradka Suuriya ay noqdeen ciidanka dhulka ee isbahaysiga Mareykanka iyo Turkiya hoggaaminayaan.


Dhammaan degmooyinkii iyo deegaanadii Jabhadda Al Nusrah ay ka joogtay waqooyiga Xalab ayaa sheegtay in ay ku wareejisay kooxaha Mucaaradka Suuriya waxaana kooxahaasi kamid ah Liwaa’u Towxiid  iyo Jeyshul xurrah.

maalmihii lasoo dhaafay ayay laysla dhaxmarayay warar sheegatay in dowladda Turkiya ay duullaan ku tahay waqooyiga Xalab ee Suuriya halkaasi oo laga dhisi rabo mandiqad ka maran dowladda islaamiga ah iyo xoogaga kale ee Jihaadiga ah.

Illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin xoogaga IS oo ku aaddan duullaanka ay ku iclaamisay xukuumadda dabadhilifka Turkiya.


Muraad Jaamac,Dubai,UAE
[email protected]

Related Items