Ciidamo Katirsan DF-ka oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye Sh.Hoose.

Monday August 10, 2015 - 15:35:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Ciidamo Katirsan DF-ka oo lagu dilay Weerar Ka Dhacay Duleedka Degmada Afgooye Sh.Hoose.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay ciidamada Al Shabaab ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose.

Xalay fiidkii ayay ciidamada mujaahidiintu weeraro xooggan ku qaadeen tuulada Cumar Barre oo dhacda duleedka Afgooye,ilo wareedyo ayaa sheegaya in weerarkasi lagu dilay 4 askari oo katirsan DF-ka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay maqlayeen daryanka rasaasta iyo madaafiic xooggan oo labada dhinac is dhaafsanayeen,wararka ayaa intaasi ku daraya in ciidamada mujaahidiintu ay qaniimeysteen 4 qori oo ay wateen ciidamada la weeraray.


Deegaanka Cumar Barre ayaa ah goob ay isbaaro utiilay maleeshiyaadka DF-ka kuwaasi oo gaadiidka dadweynaha lacago baad ah ka qaadan jiray.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items