Daawo:Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Laga Xureeyay Magaalooyin Hor leh oo Koonfurta Yemen dhaca.

Monday August 10, 2015 - 15:47:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo:Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta oo Laga Xureeyay Magaalooyin Hor leh oo Koonfurta Yemen dhaca.

    Xoogaga Suniyiinta Yemen ayaa guulo ballaaran kasoo hooyay dagaallo ay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta kula galeen gobollada dhaca Koonfurta wadanka Yemen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogaga Suniyiinta Yemen ayaa guulo ballaaran kasoo hooyay dagaallo ay maleeshiyaadka shiicada Xuuthiyiinta kula galeen gobollada dhaca Koonfurta wadanka Yemen.

Wararka ka imaanaya gobolka Ebyan ayaa sheegaya in muqaawamada taabacsan Cabdi Rabih ay qabsadeen inta badan xaafadaha magaalada Zinjibaar ee xarunta u ah gobolka iyo saldhigyo melleteri oo kaabiga ku haya.

Sidoo kale dagaallo culus oo ka dhacay gobolka Ib ee bartamaha Yemen dhaca ayaa sababay in Xuuthiyiinta lagala wareego illaa 6 degmo oo istiraatiiji ah,wariyaal ayaa soo sheegay in isbedello lama filaan ay ka dhaceen Koonurta iyo bartamaha wadankaasi.


Intabadan gobollada dhaca Koonfurta Yemen ayaa gacanta maleeshiyaadka xukuumadda soo galay waxayna kooxaha muqaawamada kusii siqayaan dhanka magaalada caasimadda ah ee Sancaa.

Related Items