Qarax Ka Dhacay Deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan iyo Ciidamada Xabashida Itoobiya oo qof Shacab ah toogtay.

Monday August 10, 2015 - 16:47:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Ka Dhacay Deegaanka Buqda ee gobolka Hiiraan iyo Ciidamada Xabashida Itoobiya oo qof Shacab ah toogtay.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay gudaha deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray qarax xooggan oo lagula eegtay gudaha deegaanka Buq-aqable ee gobolka Hiiraan bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in maanta duhurkii qarax xooggan lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen ciidamada Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Dabaqa qoodhiga loo yaqaan kuwaasi oo saaka aroortii hore qabsaday deegaanka.

Wariye Nuur Cali Warsame oo Hiiraan ku sugan ayaa soo sheegay in jugta qarax wayn laga maqlay deegaano ka fog Buq-aqable waxaana la ogeyn waxa loo adeegsaday qaraxa.


Sidoo kale ciidamada Itoobiya ay toogtay agaasimihii shirkadda isgaarsiinta NATIONLINK ee deegaanka Buqda iyagoo bililiqo xooggan u geystay gooba ganacsi.

Dhinaca kale maleeshiyaadka Jabuuti ayaa dhac iyo boob ka geystay tuulada Luuq Jeeloow ee dhacda duleedka magaalada Beled weyne.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items