Sawirro:Saraakiil Mareykan ah oo Ciidamada Itoobiya ka Taageeraya Duullaanka Cusub ee Soomaaliya lagusoo qaaday.

Tuesday August 11, 2015 - 17:33:20 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Sawirro:Saraakiil Mareykan ah oo Ciidamada Itoobiya ka Taageeraya Duullaanka Cusub ee Soomaaliya lagusoo qaaday.

    Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay taageerada dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga oo ay siinayso ciidamada xabashida Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa xoojisay taageerada dhanka dhaqaalaha iyo melleteriga oo ay siinayso ciidamada xabashida Itoobiya ee duullaanka gardarrada ah kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Askar iyo saraakiil Mareykanka ah ayaa dagaal gelinaya ciidamada gumaysiga Itoobiya ee dagaalka ka wada gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Weerar bilo ka hor ay ciidamada shabaabul Mujaahidiin ka fuliyeen deegaanka Jameeco ee shabeelaha Hoose ayay ciidamada Itoobiya uga furteen kaamiro ay ku duubanyihiin saraakiil caddaan ameerikaan ah oo ku sugan mid kamida saldhigyada ciidamada itoobiya ee gobolka Bay.


Sawirrada ay soo duubeen ciidamada Itoobiya waxaa kamid ah gaadiid casri ah oo Mareykanku ugu deeqay duullaanka xabashida Itoobiya ee Soomaaliya,saraakiisha dagaal geliyaasha mareykanka ah ayaa la sheegay in loo qeybiyay dhammaan gobollada ay duullaanka ka wadaan cadawga Itoobiya.

Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee drone-ka loo yaqaan ayuu mareykanku geeyay gudaha wadanka Itoobiya iyadoona duqeyn u geystay shacabka soomaaliyeed iyo xarakada shabaabul Mujaahidiin.

ilo wareedyo ayaa sheegaya in socdaalkii uu Obama bishii lasoo dhaafay ku tegay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uu ahaa mid xukuumadda Itoobiya ku dhiiri gelinayay qabsashada dhul hor leh oo soomaaliya katirsan.


Related Items