Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax habeen hore ka dhacay albaabka hore ee xarunta jamaacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.
Habeen hore fiidkii ayaa qarax xooggan lala helay xarunta machadkii SIMAD balse markii dambe jaamacad isku bedelay,xarunta ayaa kutaal wadada Warshadaha qeybta degmada Wardhiigleey.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa lala helay dhismaha jaamacadda uusan wax
khasaara dhimasho iyo dhaawac ah geysan,ardayda waxka barata jaamacadda ayaa
saaka aroortii hore darbiyada jaamacadda ku arkay warqado digniin ah oo lagu
dhejiyay.
Sidoo kale dhammaan albaabada lagasoo galo SIMAD ayaa warqado farabadan oo
digniin ah lagu daadiyay,mid kamida ardayda wax kabarata jaamacadda ayaa
SomaliMeMo u sheegay in warqadaha digniinta ah ay ku socdaan dhammaan
ardayda,maamulka jaamacadda iyo shaqaalaha.
Sida ku qoran warqadaha waxaa ku saxiixan xarakada Shabaabul Mujaahidiin
waxaana lagu sheegay in SIMAD ay noqotay xarun cadaw sidaasi daraadeedna ay
bartilmaameed u tahay mujaahidiinta waa sida ku qoran warqadaha digniinta ah.
"Kadib sedax sanadood oo dagaal lagula jiray cadawga mujaahidiintu waxay ku
guulaysteen in cadawgu ku aruuro wadada makakka Al-mukarama balse waxaa jira
gooba waxbarasho oo cadawga indha u ah sida SIMAD oo kale”ayuu lagu yiri
warqadaha digniinta ah.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in xoogaga digniinta bixiyay ay ku hanjabeen in
ay xiri doonaan jaamacadda SIMAD ee xarunta cadaw noqotay sida ku cad warqadaha
digniinta ah ee ladaadiyay.
Illaa iyo hadda lama oga cidda mas’uulka ka ah qaraxii xalay iyo digniintan inkastoo
ay xoogagaasi sheegteen shabaabul Mujaahidiin walina Al Shabaab wax war ah kama
dhihin.
Jaamacadda SIMAD waxaa maamulkeeda haya ururka Damul Jadiid ee Xasan Sheekh
madaxda ka yahay waxaana xusid mudan in Cabdi Kariim Guuleed,Xasan Gurguurte
iyo C/raxmaan Odawaa oo hadda ah wasiirka arrimaha gudaha ay maamulka jaamacadda soo qabteen.
Horay ayaa magaalada Muqdisho loogu dilay macalimiin iyo kooxaha jawaasiis ah
oo SIMAD katirsanaa balse wada shaqeyn qarsoodi ah lalahaa dowladda Federaalka
iyo shisheeyaha AMISOM.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Digniin:Jaamacadda SIMAD Waa Xirantahay Sidaas Waxay Ku Qorantahay Warqado Digniin ah oo loo daadiyay Ardayda iyo maamulka.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax habeen hore ka dhacay albaabka hore ee xarunta jamaacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.