Ciidama Itoobiyaan ah oo Lagu Laayay Deegaanno Katirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

Wednesday August 12, 2015 - 14:34:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidama Itoobiyaan ah oo Lagu Laayay Deegaanno Katirsan Gobollada Bay iyo Bakool.

    Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray kadib weeraro kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ciidamada xabashida Itoobiya kasoo gaaray kadib weeraro kala duwan oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaanno katirsan gobollada Bay iyo Bakool.

Wararka ka imaanaya gobolka Bakool ayaa sheegaya in qarax maanta barqadii ka dhacay duleedka degmada Waajid lala helay kolonyo gaadiid ah oo ay la socdeen ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaadka Liyu Police-ka loo yaqaan ee itoobiya u shaqeeya.

Wariye katirsan idaacaddda Andalus oo ku sugan Bakool ayaa soo sheegay in mid kamida gaadiidka ciidanka Itoobiya lagu gubay qaraxa waxaana halkaasi ku dhintay ku dhawaad 25 askari oo Itoobiyaan ah.


Dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in dhammaan ciidankii la socday gaariga la qarxiyay ay dhinteen,ciidamada laqarxiyay ayaa kasoo ambabaxay degmada Waajid waxayna kusii jeedeen deegaanka Buurdhuxulle.

Dhinaca kale qarax shalay gelinkii dambe ka dhacay duleedka degmada Diinsoor ee gobolka Bay ayaa lagu dilay saraakiil katirsan qeybta miina baarista ciidamada gumeysiga Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items