Guddoomiye ku xigeenka degmada Bardaale iyo Saraakiil Melleteri oo si xun ugu dhaawacmay Weerar Ka dhacay gudaha degmadaasi.

Thursday August 13, 2015 - 18:07:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye ku xigeenka degmada Bardaale iyo Saraakiil Melleteri oo si xun ugu dhaawacmay Weerar Ka dhacay gudaha degmadaasi.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo saraakiil katirsan maleeshiyaad dabadhilifyo ah lagula beegsaday gobolka Bay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaara badan dhaliyay oo saraakiil katirsan maleeshiyaad dabadhilifyo ah lagula beegsaday gobolka Bay.

Wararka ka imaanaya gobolka Bay ayaa sheegaya in qarax xooggan uu shalay gelinkii dambe qabsaday degmada Bardaale waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in qaraxa lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen saraakiil maleeshiyaad wadashaqeyn laleh ciidamada Xabashida Itoobiya.

Guddoomiye ku xigeenka Bardaale oo magaciisa lagusoo gaabiyay Xuseen Rooti iyo sarkaal melleteri oo lagu magacaabo Samiir ayaa si xun ugu dhaawacmay qaraxa.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dhimasho iyo dhaawac ay soo gaartay maleeshiyaad ilaala ka ahaa xarunta la weeraray waa markii ugu horraysa oo qarax sidaan u khasaara badan uu ka dhaco degmada Bardaale oo kamid ah deegaanada gacanta cadawga kujira.

degdeg.net Muqdisho


[email protected]

Related Items