Saraakiil Ugandha U Dhashay Oo Muqdisho Isku Dilay!.

Thursday August 13, 2015 - 18:00:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Ugandha U Dhashay Oo Muqdisho Isku Dilay!.

    Ciidamada shisheeye oo xaalad adag oo dhinac kasta ah kala kulmaya duullaankooda Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyay in qaarkood u bareereen iney is dilaan, si ay mar uun isku dhaafsiiyaan cadaabka ku heysta dalkan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada shisheeye oo xaalad adag oo dhinac kasta ah kala kulmaya duullaankooda Soomaaliya, ayaa la xaqiijiyay in qaarkood u bareereen iney is dilaan, si ay mar uun isku dhaafsiiyaan cadaabka ku heysta dalkan.



Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday in gaashaanle Aaron Kitakure oo u dhashay dalkooda uu dilay haweeney iyana ka tirsaneyd saraakiisha ciidamada shisheeye, taasoo uu xiriir gaar ah kala dhaxeeyay.

Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa magaaladda Kampala ee caasimadda dalkaas, ayaa qoray in markii sarkaalkaasi uu dilay haweeneyda, isna uu is toogtay.

Dilkan ayaa sadax maalmood ka hor ka dhacay xero ay ciidamada shisheeye ka daggan yihiin magaalada Muqdisho, walibana waxay ahayd maalin Axad ah oo ay ku mashquulsanaayeen Kaniidadda.



Dowladda Uganda ayaa ka gaabsatay sababta dhabta ah ee ka dambeysa in sarkaalku dilo haweeneyda sarkaaladda ahayd, kadibna isagu is khaarajiyo, laakin afhayeenka Ciiddanka Uganda oo lagu magacaabo Paddy Ankunda, ayaa sheegay iney billaabayaan baaritaan arrintan ku aadan.

"Iney labadooda geeriyoodeen waa run, imikana waxaa socda baaritaano, mana bixin karo faahfaahin dheeraad ah, illaa lasoo gabagabeeyo Baaritaankaas” ayuu yiri’ Afhayeenka ciidamada shisheeye.

Hogaamiyaha guud ee ciidamada shisheeye ayaa usbuucii lasoo dhaafay muddo laba goor ah, ka dhawaajiyay iney dhaqaala darri la daalaa dhacayaan, islamarkaana doonayaan taageero ay ka helaan dowladaha khaliijka Carabta.

Sida lagu sheegay war bixino hore usoo baxay, askar badan oo ka tirsan ciidamada shisheeye ayaa is dilay, qaarkoodna dagaalada ayay ku waasheen, kadib markii ay xamili waayeen meydadka saaxiibadood oo maalin walba lagu hor dhoofiyo iyo dhaqaalihii ay darti usoo duulleen oo aan la xaqiijin.

Xigasho:idaacadda Alfurqaan

Related Items