Askar katirsanaa Ciidanka DF-ka oo lagu dilay duleedka Degmada Jowhar Ee Sh/dhexe.

Monday July 07, 2014 - 12:37:22 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Askar katirsanaa Ciidanka DF-ka oo lagu dilay duleedka Degmada Jowhar Ee Sh/dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad taabacsan DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in weerar khasaara badan dhaliyay lagu qaaday maleeshiyaad taabacsan DF-ka.


Xalay fiidii ayay ciidamada xarakada Al Shabaab weerar ku qaadeen goob isbaaro utiillay maleeshiyaadka dowladda ee duleedka degmada jowhar.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in sedax katirsan ciidanka laweeraray lagu dilay goobta isbaarada ah isalamarkaana laga qaatay sedax qori AK47 ah oo ay wateen.

Idaacadda Andalus ee ku hadasha Afka xarakada Al shabaab ayaa baahisay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada wilaayada islaamiga shabeelaha dhexe.


Wararka ayaa intaasi ku daray in ciidamadii weerarka qaaday ee katirsan xarakada Al shabaab ay si nabad gelyo ah dib ugu laabteen halkii ay kasoo weerar tageen.

Afhayeenka xarakada shabaabul mujaahidiin Sheekh Cali dheere ayaa horay usheegay in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay kordhin doonaan weerarada ka dhanka ah shisheeyaha soomaaliya kusoo duulay.

Related Items