Col.Cali Aadam "AMISOM Waxba Kama Qaban Karto Ammaanka Muqdisho Sababtoo Ah Shacabku Taageero uma hayaan dowladda"Dhageyso.

Monday July 07, 2014 - 14:33:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Col.Cali Aadam "AMISOM Waxba Kama Qaban Karto Ammaanka Muqdisho Sababtoo Ah Shacabku Taageero uma hayaan dowladda"Dhageyso.

    Taliska ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta AMISOM ee xoogga ku jooga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku fashilmeen sugidda ammaanka Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta AMISOM ee xoogga ku jooga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in ay ku fashilmeen sugidda ammaanka Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka AMISOM ee Jabuutiyaanka ah Col.Cali Xaamud ayaa xaqiijiyay in dhankooda aysan waxba ka qaban Karin dilalka iyo qaraxyada muqdisho ka socda.

Isagoo wareysi siinayay mid kamida warbaahinta afka soomaaliga ku hadasha ayuu walaac ka muujiyay beegsiga sida xowlliga ah ku socda ee degmooyinka gobolka Banaadir loogu geysanayo askarta iyo saraakiisha DF-ka.

"Runtii waa wax laga naxo dilka iyo qaraxyada Muqdisho ka socda in ammaanka caasimadda sidaan ahaado cid walba way dhibaysaa waana niyad jab hor leh”ayuu yiri Cali Xaamud.


Hoggaanka DF-ka ayuu ku eedeeyay in aysan laheyn karti maamul oo ay wax uga qaban karaan ammaanka caasimadda isagoona ka dhawaajiyay wadashaqeyn la’aan kala dhaxaysa saraakiisha DF-ka.

Wuxuu xaqiijiyay in shacaba muqdisho aysan wax taageero ah uheyn dowladda Federaalka taasi bedelkeeda ay gabaad siiyaan saraakiisha iyo asarta al shabaab.

"Sugidda ammaanka Muqdisho waxaa ka maqan kaalintii shacabku uu ku lahaa. Haddii aysan shacabku garanayn inay iska qabtaan kuwa dhibka ka dhex-geysanaya, waxaan u sheegaynaa inaysan AMISOM waxba ka qaban Karin”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Cali Xaamud.

Warkan niyad jabka xambaarsan ee kasoo yeeray AMISOM ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Xarakada Al Shabaab ay howlgallo ka wadaan degmooyinka gobolka Banaadir.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items