Taliye Boolis oo Muqdisho Lagu Weeraray iyo Dagaal Ka Dhacay Shalaanbood.

Tuesday July 08, 2014 - 06:40:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Taliye Boolis oo Muqdisho Lagu Weeraray iyo Dagaal Ka Dhacay Shalaanbood.

    Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday gaari uu la socday taliyaha booliska degmada Wardhiigleey ugu magacaaban Dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoogag hubeysan ayaa xalay fiidkii weerar ku qaaday gaari uu la socday taliyaha booliska degmada Wardhiigleey ugu magacaaban Dowladda Federaalka.

Weerarka ayaa xalay fiidkii ka dhacay meel ku dhaw suuqa Bakaaraha magaalada Muqdisho,goob joogayaal ayaa sheegay in rag hubeysan ay rasaas ku fureen gaari qooqan ah oo uu la socday taliyaha Wardhiigleey kadibna waxaa lamaqlay dhowr qarax.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in waxyeello soo gaartay ciidankii ilaalada u ahaa taliyaha booliska wardhiigley balse isagu uu badbaaday.

Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday saldhig ay ciidamo katirsan DF-ka ku leeyihiin xaafadda Gubta degmada Dayniile ee magaalada muqdisho.


Dhinaca kale ciidamada mujaahidiinta wilaayada islaamiga Shabeelaha hoose ayaa xalay saqdii dhexe dagaallo culus ka galay deegaanka Shalaanbood ee duleedka Marka.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaal muddo kabadan 3 saacadood socday uu ka dhacay deegaanka gaar ahaan dhismayaashii hore ee dowladii Siyaad barre oo ay saldhigyo ku leeyihiin ciidamada AMISOM.

Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa xoojiyay halganka ay kula jiraan shisheeyaha duullaanka gardarada ah kusoo qaaday Soomaaliya iyo kuwa la shaqeeya.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]


Related Items