Maamulka Degmada Caabud Waaq oo Ka Hadlay Dilka Madaxii Maaliyadda Degmadaasi.

Tuesday July 08, 2014 - 07:01:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 5 1
  • Share via Social Media

    Maamulka Degmada Caabud Waaq oo Ka Hadlay Dilka Madaxii Maaliyadda Degmadaasi.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo ka dhacay degmada Caabud Waaq ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya fal dil ah oo ka dhacay degmada Caabud Waaq ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.

Maleeshiyaad hubeysan ayaa bartamaha Caabud-waaq ku toogtay madaxii maaliyadda degmada Cabdi Qafaar Aadam kana mid ahaa siyaasiyiinta deegaanka.

Goob joogayaal ayaa sheegay in dilka ay geysteen Rag watay gaari nuuca raaxada ah kadibna waxay ubaxsadeen dhanka dhulka Soomaaligalbeed ee itoobiya gumeysato.

Cabdi Risaaq colw oo ku magacaaban guddoomiyaha degmada Caabud Waaq ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkiisu baaritaan ku wado kooxaha dilka geystay.


Caabdu Waaq oo sanadadii lasoo dhaafay ay kajireen maamullo xariir laleh Itoobiya waxaa sida ay doonaan uga howlgala ciidamada Liyuu booliska Xabashida iyagoona dilal iyo qafaal ugeysta shacabka muslimiinta.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items