Warbixin:Xildhibaan Hore,Askar iyo Saraakiil Saacadihii Lasoo Dhaafay Muqdisho Lagu Dilay.

Tuesday July 08, 2014 - 15:00:57 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbixin:Xildhibaan Hore,Askar iyo Saraakiil Saacadihii Lasoo Dhaafay Muqdisho Lagu Dilay.

    Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha iyo askarta dowladda Federaalka xilli xarakada Al Shabaab ay goodis jeedisay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Magaalada Muqdisho wali waxaa kasii socda dilalka qorshaysan ee ka dhanka ah saraakiisha iyo askarta dowladda Federaalka xilli xarakada Al Shabaab ay goodis jeedisay.

Wararka ka imaanaya degmada Wadajir ayaa sheegaya in rag bastoolado ku hubeysan ay gudaha degmadaasi ku dileen Nin horay uga tirsanaa baarlamaanka dowladda Federaalka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Cumar Bagadi oo katirsanaa baarlamaankii xukuumaddii Shariif lagu dilay agagaarka aargada degmada Wadajir.

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka Cumar Bagadi wuxuuna sheegay in raggii dilka geystay ay si nabad gelyo ah uga baxsadeen goobta.


Degmada Dharkeynleey gaar ahaan suuq Liif waxaa lagu dilay askari katirsan ciidanka booliska,weerar kale oo ka dhacay degmada Hodon isna waxaa lagu dilay sarkaal katirsanaa ciidanka Melleteriga.

Waa maalintii 10-aad oo dilal joogta ah ay ka dhacaan magaalada Muqdisho waxaana beenoobay balanqaadkii Xasan Sheekh ee ahaa in ammaanka caasimadda la adkeyn doono marka lagaaro bisha barakaysan ee Ramadaan.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]


Related Items