Weerar Hor-leh oo Lamu Kenya ka dhacay iyo Qarax Lala Eegtay goob Lagu Caweeyo Degmada Wajeer.

Tuesday July 08, 2014 - 15:18:23 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Hor-leh oo Lamu Kenya ka dhacay iyo Qarax Lala Eegtay goob Lagu Caweeyo Degmada Wajeer.

    Wadanka Kenya wali waxaa kasii socda weerarada ka dhanka ah ciidanka Kenya iyo muwaadiniinta nasaarada Kenyaatiga ah ee wiilashooda usoo diray soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Weerar Hore oo Kaniisadda Gaarisa ka dhacay
Wadanka Kenya wali waxaa kasii socda weerarada ka dhanka ah ciidanka Kenya iyo muwaadiniinta nasaarada Kenyaatiga ah ee wiilashooda usoo diray soomaaliya.


Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay qarax lala eegtay maqaaxi lagu caweeyo oo kutaal magaalada Wajeer ee gobolka NFD ee Kenya gumeysato.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in goobta laweeraray ay lahaayeen dadka Kenyaanka Afrikaanta Nasaarada ah,saraakiisha booliska waxay sheegeen in hal qof uu dhintay 5 kalane dhaawacyo soo gaareen.

Qaraxa kadib ayaa la sheegay in rag hubeysan ay tacshiirado ku fureen goobta arrinkaasi oo kordhiyay khasaaraha ka dhashay weerarka.


Dhinaca kale weerar hubeysan ayaa ka dhacay duleedka degmada Hindi ee dhacda xeebta magaalada Lamu,saraakiisha Kenya ayaa weerarkan xaqiijiyay balse waxay ka gaabsadeen in ay sheegayaan khasaaraha ka dhashay weerarka.

Afhayeen u hadlay xarakada Al Shabaab ayaa sheegay in ciidankoodu weerarka ay geysteen islamarkaanka khasaara culus dhabarka usaaranyihiin ciidanka Kenyan ah.

Isbuucan gudihiisa Kenya waxaa ka dhacayay weeraro is xigxiga oo ay ku dhinteen inkabadan 40 qof dhammaantoodna waxaa sheegatay xarakada Al Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa awood melleteri ku qabsatay magaalooyin dhaca gobollada Gedo iyo Jubbada Hoose taasi bedelkeedna mujaahidiinta ayaa gudaha Kenya dagaalka uraray.


Liibaan Jeexow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected],com

Related Items