Dagaalkii Madaxtooyo oo Xoogeystay iyo Mujaahidiinta oo qabsaday Dhismayaal.

Tuesday July 08, 2014 - 19:53:16 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 3976
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dagaalkii Madaxtooyo oo Xoogeystay iyo Mujaahidiinta oo qabsaday Dhismayaal.

    Waxaa sii xoogeystay dagaalkii caawa maqribkii ka bilaawday waddooyinka soo gala madaxtooyada Villa Somalia kadibna kusii fiday gudaha madaxtooyada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa sii xoogeystay dagaalkii caawa maqribkii ka bilaawday waddooyinka soo gala madaxtooyada Villa Somalia kadibna kusii fiday gudaha madaxtooyada.

Rasaas xooggan ayaa laga maqlayaa dhismayaasha madaxtooyada waxaana loo malaynayaa in ciidamada shabaabul Mujaahidiin ee weerarka qaaday ay howlgallo ka wadaan qolalka ay degganyihiin madaxda Dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in dagaalladu ay kusii fideen guryo ku yaal hareeraha madaxtooyada sida Safaaradaha Itoobiya iyo Jabuuti ku leeyihiin Muqdisho.

Xaaladda ayaa kacsan waxaana goobta dagaalka lagu arkayaa ciidamada Afrikaanta AMISOM oo gaadiidka taangiyada wata taasi oo muujinaysa in dagaalku culusyaha.


Warar madaxbanaan ayaa SomaliMeMo u sheegay in ciidamada Al Shabaab ee weerarka qaaday ay qabsadeen laba kamid ah koontaroollada madaxtooyada kadib markii ay dileen ciidankii ilaalada ka hayay.


Mahad Yare

SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items