Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ballaaran ka muujiyay is ballaarinta sida xowlliga ah ku socota ee xarakada shabaabul mujaahidiin iyo taageerada ay ka helayso shacabka soomaaliyeed.
Isagoo khamiistii lasoo dhaafay boqolaal odayaal dhaqameedyo ah iyo saraakiil
amni kula hadlayay degmada Afgooye ee gobolka shabeelaha Hoose ayuu canaan kala
dul dhacay saraakiishiisa ciidamada iyo dadka dega Sh.Hoose.
Xasan Gurguurte wuxuu ka carooday khudbad uu jeediyay mid kamida salaadiinta
beelaha Afgooye oo si aan gambasha laheyn u sheegay in ciidanka dowladda
Federaalka iyo kuwa AMISOM ay dib u dhac dhan walba ah u horseedeen gobolka
sedaxdii sano oo ay joogeen.
"Madaxweyne markaan runta ka hadalno Al Shabaab wax dhib ah naguma hayaan wixii
iyaga kasoo horjeeda ee dowladda katirsan ayay dilaan balse shacabka waxba uma
geystaan hantida dadweynaha way ka badbaadaa balse ciidamada dowladda gabdhihii
ayay kufsanayaan,isbaaro ayay gaadiika u dhiganayaan runtii waan ku dhib qabnaa
ciidamada qaab beeleed u abaabula ee aan waxba noo reebayn”ayuu yiri oday
dhaqameed reer Afgooye ah.
Daqiiqado kadib waxaa cod baahiyaha qabsaday Xasan Sheekh oo si adag uga
jawaabay eedaymaha loo jeediyay maleeshiyaadka dowladda wuxuuna qiray in
ciidamada xarakada Al Shabaab ay ka wanaagsanyihiin ciidamada dowladda u qoran.
"afar wiil oo alshabaab ah ayaa maamulaya deegaan ay laba kun oo shacab ah
deganyihiin,alshabaab dadka iyo deeqa umadda soomaaliyeed ayuu wax ku yahay
maahee dowlad federaal wax masiiso marka waxaa loo baahanyahay in aan wax
qabsano oo aan cadawga la dagaalano”ayuu yiri Xasan gurguurte.
Hoggaamiyaha dowlada Federaalka ayaa carrabka ku adkeeyay in shacabka
soomaaliyeed ay taageera u hayaan Al Shabaab islamarkaana ay shabaabku wax ku
yihiin isgarab taagga ay ka helaan soomaalida.
"Al Shabaab dadka iyo deeqa shacabka soomaaliyeed ayay wax ku yihiin” Xasan
gurguurte.
Sidoo kale Xasan Sheekh wuxuu sheegay in ciidamo katirsan DF-ka oo bilo ka hor
lagu dilay degmooyinka Awdheegle iyo Mubaarak ay badankood isku jufa ahaayeen.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Xasan Sheekh:Al Shabaab Deeqa iyo Dadka Soomaaliyeed ayay wax ku yihiin! Warbixin.
Hoggaamiyaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa walaac ballaaran ka muujiyay is ballaarinta sida xowlliga ah ku socota ee xarakada shabaabul mujaahidiin iyo taageerada ay ka helayso shacabka soomaaliyeed.