Abuu Muscab oo sheegay in ay qabsadeen dhismayaal Katirsan Villa Somalia iyo Xasan Sheekh oo Xalane loola Cararay.

Tuesday July 08, 2014 - 22:57:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 2 1
  • Share via Social Media

    Abuu Muscab oo sheegay in ay qabsadeen dhismayaal Katirsan Villa Somalia iyo Xasan Sheekh oo Xalane loola Cararay.

    Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqday in ay lawareegtay gacan ku heynta qasriga madaxtooyada dowladda Federaalka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Al Shabaab oo dabrid sameynaya
Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa ku dhawaaqday in ay lawareegtay gacan ku heynta qasriga madaxtooyada dowladda Federaalka magaalada Muqdisho.

Afhayeenka ciidanka Al Shabaab sheekh C/Caziiz Abuu Muscab ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in ciidankoodu qabsadeen dhismayaal muhiim ah oo Villa Somalia.

"Ciidamada Mujaahidiintu waxay qabsadeen dhismayaal muhiim ah oo Madaxtooyada Muqdisho katirsan walina dagaalku waa socdaa”ayuu yiri Abuu Muscab.

Dhinaca kale ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay Xasan Sheekh Ula Carareen dhanka xerada Xalane oo saldhig u ah ciidamada shisheeye ee AMISOM.


Xasan Sheekh iyo Wasiirka koowaad C/wali Sheekh ayaa dhanka Xalane lageeyay kadib markii  Villa Somalia ay isku rogtay goob dagaal gaadiidka gaashaaman ee AMISOM ayaa caawa lagu arkayay wadada Makka Al-mukarama waxaana lafilayaa in mas'uuliyiin kale ay dhanka Xalane u daadgureeyaan si ammaankooda loo sugo.


Lasoco wixii soo kordha


Related Items