Col.Caseyr iyo Saraakiil Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

Wednesday July 09, 2014 - 01:10:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 3.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Col.Caseyr iyo Saraakiil Katirsanaa Sirdoonka Dowladda Federaalka oo Muqdisho Lagu Dilay.

    Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilal qorshaysan markale caawa ka dhaceen xaafado katirsan gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xilli ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha kasii baxayo ayay dilal qorshaysan markale caawa ka dhaceen xaafado katirsan gobolka Banaadir.

Xoogag hubeysan ayaa caawa fiidkii isgoyska KPP ee degmada Hodon ku toogtay sarkaal sare oo katirsanaa ciidanka PS-ta dowladda Federaalka.

Ilo wareedyo ayaa sheegayaa in ladilay sarkaal lagu magacaabi jiray Col.Xasan Daahir Col.Caseyroo mar ahaan jiray  taliyaha xabsiga madaxtooyada balse bilo ka hor ayaa xilkaasi laga qaaday.

Goob joogayaal ayaa sheegay in Xasan Daahir lala dilay mid kamida ciidankii ilaalada u ahaa,dhinaca kale sarkaal kale ayaa lagu dilay isgoyska Howl-wadaag.


Weerar kale oo isna ka dhacay degmada Huriwaa ayaa sababay laba katirsan ciidamada dowladda Federaalka,dhinaca kale rasaas xooggan ayaa saacadihii lasoo dhaafay laga maqlayay magaalada Muqdisho xilli dagaallo ka scodeen madaxtooyada.

Related Items