Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo Dib Ula Wareegay Madaxtooyada Kadib Qabsashadii Al Shabaab.

Wednesday July 09, 2014 - 08:39:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM oo Dib Ula Wareegay Madaxtooyada Kadib Qabsashadii Al Shabaab.

    Kadib Lix saacadood xariir ah oo ay dagaallo culus ka socdeen dhismaha madaxtooyada magaalada Muqdisho ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka dib ula wareegeen dhismayaasha gurigaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kadib Lix saacadood xariir ah oo ay dagaallo culus ka socdeen dhismaha madaxtooyada magaalada Muqdisho ayay ciidamada AMISOM iyo kuwa DF-ka dib ula wareegeen dhismayaasha gurigaasi.

Wararka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in ciidamada AMISOM oo taangiyo wata ay gaaf wareegayaan goobihii xalay lagu dagaalamay.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in tobaneeyo askar iyo saraakiil ah lagu dilay weerarkii xalay oo saameyntiisa laga dareemayo dhammaan xaafadaha magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan ciidamada booliska iyo melleteriga DF-ka ayaa gaaray goobihii lagu dagaalamay iyagoona baaritaanno wada,mas’uuliyiin ay kamid yihiin Xasan Sheekh iyo Cabdi Wali Sheekh ayaa dib ugusoo laabtay madaxtooyada kadib markii xalay loola cararay dhanka Xalane.


N.Kay oo ah Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa lafilayaa in uu saacadaha soo socda war kasoo saaro weerarkii weynaa ee xalay Muqdisho.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa iyana saacadaha soo socda faah faahin buuxda ka bixin doonta duullaankii Madaxtooyo ee saameynta badan reebay sida ay sheegayaan warar lagu kalsoonaa karo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items