Kenya iyo Tanzania oo Sheegay in Xarakada Al Shabaab ay Taageero Ka Heysato Bulshada Muslimiinta Bariga Afrika.

Tuesday October 06, 2015 - 09:59:48 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kenya iyo Tanzania oo Sheegay in Xarakada Al Shabaab ay Taageero Ka Heysato Bulshada Muslimiinta Bariga Afrika.

    Hoggaamiyaasha wadamka Tanzania iyo Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis nolosha ku adkeynaya dadka muslimiinta ee ku dheggan diintooda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaasha wadamka Tanzania iyo Kenya ayaa ku dhawaaqay in ay gaareen heshiis nolosha ku adkeynaya dadka muslimiinta ee ku dheggan diintooda.

Kadib booqasho uu magaalada Nairobi ku tegay madaxweynaha Tanzania ayay labada dal ka wadahadleen la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada oo ah mashruuc uu Mareykanku kula dagaalamo muslimiinta caalamka.

Tanzania waxay sheegtay in dhalinyarada muslimiinta wadankeeda ay la tacaadufaan xarakada Shabaabul Mujaahidiin islamarkaana ay khatar ku yihiin ammaanka wadanka.

Uhuru Kenyatta Hoggaamiyaha Kenya oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay in Tanzania iyo Kenya ay wada saxiixdeen heshiis dhigaya in la adkeeyo la dagaalanka ‘Argagaxisada”.


"labada wadanka waxay ku heshiisheen in la xoojiyo dagaalka ballaaran ee ka dhanka ah Argagaxisada islamarkaana si aad ah loo adkeeyo xuduudaha”ayuu yiro Kenyata.

Dowladda Kenya oo sedaxdii sanadood ee lasoo dhaafay weeraro dhiigbadan ku daatay kala kulmaysa xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa isku dayaysa in dagaalka ka dhanka ah muslimiinta bariga Afrika ay lakaashato Tanzania.

Kenya waxay ka cabanaysaa Fikirka jihaadka oo kusii faafaya bulshada Kenya dhaxdeeda "Labada dowladood ee dariska ah waxay si qota dheer u daraasayn doonaan waxyaabaha keena in xagjirnimadu ku dhax faafto bulshada dhaxdeeda gaar ahaan dhalinyarada muslimiinta”ayuu hadalkiisa sii raaciyay Kenyata.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]



Related Items