Magaalada Muqdisho weli waxaa kasii socda dilalka ka dhanka ah saraakiisha dowladda Federaalka xilli Al Shabaab ay ka dhabaysay goodiskeedi ahaa in Weerarada la kordhinayo inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Rag hubeysan ayaa xaafadda Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid ku toogtay mid
kamida mas’uuliyiinta degmada Yaaqshiid,goob joogayaal ayaa sheegay in ladilay
Haweenay magaceeda lagusoo gaabiyay Xaawa Calasoow oo aheyd guddoomiye waaxeed.
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ayaa warbaahinta u xaqiijiyay dilka haweenaydan
kamid aheyd xubnaha firfircoon ee ka shaqeeya degmadaasi.
illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye waaxeedka
degmada Yaaqshiid balse wuxuu qeyb ka yahay dilalka qorshaysan ee degmooyinka
gobolka Banaadir ka socda.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]
Mid Kamida Guddoomiye Waaxeedyada Degmada Yaaqshiid oo Suuq Bacaad Lagu Dilay.