Midowga Afrika oo Wakiil Cusub Usoo Magacaabay Hoggaaminta AMISOM.

Thursday July 10, 2014 - 12:03:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Midowga Afrika oo Wakiil Cusub Usoo Magacaabay Hoggaaminta AMISOM.

    Ururka midowga Afrika ayaa madaxa AMISOM ee Soomaaliya u magacaabay siyaasi u dhashay wadanka Niger oo kamid ah wamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka midowga Afrika ayaa madaxa AMISOM ee Soomaaliya u magacaabay siyaasi u dhashay wadanka Niger oo kamid ah wamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

War saxaafadeed kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay in labuuxiyay booskii uu baneeyay Max’med Saalad Alnadiif oo bishii lasoo dhaafay si lama filaan ah isaga casilay xilkii uu ka hayay soo duulayaasha AMISOM.

Maman Sidiiqu oo udhashay Niger ayaa madax unoqon doono waxa loogu yeero howlgalka AMISOM ee Soomaaliya,sarkaalkan lasoo magacaabay ayaa xilka wasiir ku xigeenka Warfaafinta Niger soo qabtay.

Soo duulayaasha calooshood u shaqeystayaasha Afrikaanta ayaa ku fashilmay duullaanka ay ku qaadeen wilaayaatka islaamiga soomaaliya ee shareecada islaamka looga dhaqmo.


Ciidamada AMISOM ayaa lagu go’doomiyay magaalooyin dhaca Koonfurta bartamaha Soomaaliya oo bishii Maarso 2014 ay qabsadeen.

Related Items