Faah Faahin:Markab Kenya Laga Leeyahay oo Ku Caariyay Xeebta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Thursday July 10, 2014 - 12:30:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin:Markab Kenya Laga Leeyahay oo Ku Caariyay Xeebta Gobolka Shabeelaha Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in markab ganacsi uu ku caariyay deegaanno hoos yimaad wilaayada shabeelaha dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in markab ganacsi uu ku caariyay deegaanno hoos yimaad wilaayada shabeelaha dhexe.

Markabka oo ka shiraacday dekadda  Muqdisho kunasii jeeday magaalada Mombaasa ee dalka Kenya ayay cilad baaxad leh ka haleesha dhanka matoorka xilli uu marayay badweynta Hindiya.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Markabku uu ku caariyay deegaanka Meyraaleey oo hoos yimaad degmada Raaga Ceele ee shabeelaha dhexe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dadka deegaanka ay agab dulsaarnaa markabka ay boobeen walina waxaa socda dadaalo lagu samatabixinayo shaqaalaha markabka saaran oo gaaraya illaa 10 qof oo uu kamid ah yahay naaquudaha, warar hordhac ah waxay sheegayaan in ganacsato Kenyan ah markabka leeyihiin.


Abuubakar Xaaji Shariif oo ah naaqduudaha Markabka ayaa sheegay in waxyeello xooggan ay soo saartay qeybta matoorka Markabka isagoo reja ka muujiyay in dhibaatada heysata laga samatabixin doono.

Deegaanka Markabku kusoo caariyay wuxuu hoos yimaad maamullada islaamiga xarakada Al Shabaab ee shabeelaha dhexe waxaana laga yaabaa in halkaasi ay gaaraan ciidanka ammaanka wilaayada islaamiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi


SomaliMeMo,Muqdisho

[email protected]

Related Items