Sarkaal Katirsan Dowadda Federaalka oo isku day dil ka badbaaday.

Thursday July 10, 2014 - 23:15:39 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan Dowadda Federaalka oo isku day dil ka badbaaday.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho lagula eegtay sarkaal katirsan dowladda Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qarax horay uga dhacay afaafka hore ee dhismaha Radio Banadir Shibis
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax maanta gelinkii dambe magaalada Muqdisho lagula eegtay sarkaal katirsan dowladda Federaalka.

Gabaldhicii maanta ayuu qarax xooggan ka dhacay degmada Shibis ee dhacda waqooyi bari magaalada Muqdisho halkaasi oo ay ku badanyihiin saraakiisha DF-ka.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa sheegaya in qaraxa uu ka badbaaday sarkaal katirsanaa DF-ka gaar ahaan qeybta PS-ta loo yaqaan.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu ka dhashay walxaha qarxa oo gaariga lagu qariyay sarkaalka labeegsaday ayaa badbaaday daqiiqado kadib markii uu gaariga ka degay isagoona udaawasho tegi lahaa ciyaar kubadda cagta ah oo ka dhacaysay agagaarka maxfalkii hore ee shibis.


Qaraxyada loo adeegsado walxaha qarxa ee lagu qariyo gaadiidka ay isticmaalaan DF-ka ayaa bilihii lasoo dhaafay kusoo badanayay magaalada Muqdisho iyagoonna gallaaftay nolosha tobaneeyo qof.


Liibaan Jeexoow Cabdi

SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items