Sheekh Cali Dheere " Cid Walba Oo Safka Muslimiinta Kala Qaybisa Gacmaha ayaa la qabanayaa" Dhageyso.

Tuesday November 03, 2015 - 20:28:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 4 11
  • Share via Social Media

    Sheekh Cali Dheere " Cid Walba Oo Safka Muslimiinta Kala Qaybisa Gacmaha ayaa la qabanayaa" Dhageyso.

    Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Al Mujahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa manta kalimad aad u dheer oo uu jeediyay lagana sii daayay idaacada Al Andalus waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya xaalada dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Afhayeenka guud ee Xarakada Al Shabaab Al Mujahidiin Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa manta kalimad aad u dheer oo uu jeediyay lagana sii daayay idaacada Al Andalus waxaa uu kaga hadlay arimo dhowr ah oo quseeya xaalada dalka Soomaaliya.

Sheekh Cali Dheere ayaa ugu horeyn ka hadlay hagardaamooyinka Cadawga ee ka dhanka ah dadka Muslimiinta Soomaaliyeed, waxaana uu sheegay in wadamada gaaladu ay dadka Soomaaliyeed ku marin-habaabinayaan waxa loogu yeero dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiim Murtadiin dabadhilifya ah ayna waajib tahay in la bur-buriyo.

Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale tilmaamay in cadawgu uu ummada Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah ku dadaalayo sidii look ala qaybin lahaa dhexdoodana la iskugu diri lahaa, arintaas oo uu sheegay in ay tahay ujeedo aanan marnaba u suurtageli doonin cadawga.



Sheekh Cali Dheere ayaa sidoo kale sheegay in Midnimada dadka Muslimiinta ah guud ahaan, iyo gaar ahaan Mujaahidiintu ay tahay arin waajib ah, loona baahanyahay in lasii xoojiyo, isagoo ku dheeraaraday aayadaha Qur’aanka iyo Axaadiith-ta Nabigeena "Nabad geliyo iyo Naxariis dushiisa ha ahaatee’ ee cadeynaya waajibnimada Midnimada Muslimiinta, wuxuuna sheekhu sheegay in cid walba oo isku dayda inay kala jebiso safka Mujaahidiinta aanan laga aqbali dooni gacanta laga qaban doono.

Ugu dambayntii Afhayeenka Mujaahidiinta Al Shabaab ayaa ugu baaqay Wilaayaatka Islaamiga ah inay xil gaar ah iska saaraan xanaanaynta dadka ay maamulka u yihiin, isla markaana ay ilaaliyaan midnimada Muslimiinta.

Halkaan ka dhageyso Kalimada Sheekh Cali Dheere.MP3

Related Items