Weerar Khasaara Dhaliyay oo Markale Lagu Qaaday Degmada Lamu Kenya.

Friday July 11, 2014 - 16:46:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar Khasaara Dhaliyay oo Markale Lagu Qaaday Degmada Lamu Kenya.

    Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday gudaha wadanka Kenya xilli ammaanka wadankaasi faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya wadanka Kenya ayaa sheegaya in weerar hor leh oo khasaara dhaliyay lagu qaaday gudaha wadanka Kenya xilli ammaanka wadankaasi faraha kasii baxayay bilihii lasoo dhaafay.

Wararka ka imaanaya degmada Lamu ee dhacda xeebta wadanka Kenya ayaa sheegaya in xoogag hubeysan ay xalay fiidkii weerareen bartilmaameedyo gaar ah oo Lamu katirsan.

Karisa Charo oo katirsan waxgaradka Lamu ayaa warbaahinta maxalliga ah u sheegay in xoogaga weerarka qaaday ay dab qabadsiiyeen guryo iyo gooba ganacsi.

Sarkaal u hadlay dowladda Kenya ayaa sheegay in 300 oo dagaalyahan  weerareen Lamu islamarkaana ay qaateen hub uu boolisku lahaa.


Illaa iyo hadda majirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka cusub ee Kenya lagu qaaday balse ciidamada Shabaabul Mujaahidiin ayaa bishii lasoo dhaafay dhowr mar weeraro ay ku dhinteen 100 qof ka gaystay gudaha wadankaasi.


Mahad Yare
SomaliMeMo
Muqdisho
[email protected]


Related Items