Dagaal Beeleedyo Dad Badan Ku dhinteen oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

Saturday July 12, 2014 - 09:41:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Dagaal Beeleedyo Dad Badan Ku dhinteen oo Ka Dhacay Gobolka Hiiraan.

    Ku dhawaad toban qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed dib ugasoo cusboonaaday degeaanno hoos yimaad degmada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ku dhawaad toban qof ayaa lagu dilay dagaal beeleed dib ugasoo cusboonaaday degeaanno hoos yimaad degmada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

Wararka ka imaanaya tuulada Deefoow ee galbeedka Beled Weyne ayaa sheegaya in 9 qof oo hal dhinac ah lagu dilay dagaal khamiistii iyo jumcihii socday.

Goob Jooge ku sugan gobolka Hiiraan ayaa SomaliMeMo u sheegay in labada maleeshiyo beeleed ee dagaalamaya ay hubka kasoo qaadanayaan maamulka Beled Weyne kajira iyo ciidanka Jabuuti.

Dhaawacyada 11 qof ayaa isbitaalka Beled Weyne ladhigay halka dhanka dhulka Soomaaligalbeed loo tallaabiyay dhaawacyada dhinac kamid ah maleeshiyaadka dagaalamaya.


Dhammaan degmooyinka iyo deegaannada ay ku suganyihiin ciidanka shisheeye waxaa ka dhaca dagaal beeleedyo dad xigta ah ay ku go’een halka magaalooyinka sharciga Islaamka lagu maamulo ee dhaca Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ay nabad gelyo kajirto waxaana meesha ka baxay loolankii u dhexeeyay qabaa’illada soomaalida.

Mahad Yare
SomaliMeMo,Muqdisho
[email protected]

Related Items