Ciidanka DF-ka oo Bililiqo Ugeystay Markab Dhawaan Ku Caariyay Xeebta Shabeelaha Dhexe.

in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 1
  • Share via Social Media

    Ciidanka DF-ka oo Bililiqo Ugeystay Markab Dhawaan Ku Caariyay Xeebta Shabeelaha Dhexe.

    Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan dowlada Federaalka ay bililiqeysteen Markab dhawaan kusoo caariyay xeebta gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan dowlada Federaalka ay bililiqeysteen Markab dhawaan kusoo caariyay xeebta gobolkaasi.

Dad ku sugan xeebta Meyraaley oo ku dhaw degmada Warsheekh ayaa sheegay in maleeshiyaad watay gaadiidka dagaalka ay rarteen alaab ubadan Filin jeerro iyo qalb kale oo dul saarnaa Markab Khamiistii lasoo dhaafay kusoo caariyay xeebta.

Markabka oo laga leeyahay wadanka Kenya ma wadin wax xamuul ah xilligii uu ciladoobayay taasi ayaana keentay in ganacsatadii uu kiraysnaa ay dayacaan markabka iyagoo aan wax gurmad ah udirin.


Shaqaalaha Markabka oo u dhashay wadamada Kenya iyo Tanzania ayaa goorsii horreysay laga daad gureeyay markabka dushiisa kadib markii ay kuyaaceen dadka deegaanka.


Liibaan Jeexoow

SomaliMeMo Muqdisho
[email protected]


Related Items