Daawo:Jabhadda Al Nusrah iyo Dowladda Lubnaan oo Maxaabiis iswaydaarsaday.

Tuesday December 01, 2015 - 17:23:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.5/5 Stars) Total Votes: 12
  • 0 2
  • Share via Social Media

    Daawo:Jabhadda Al Nusrah iyo Dowladda Lubnaan oo Maxaabiis iswaydaarsaday.

    Markii ugu horraysay waxaa dhaqan galay heshiis maxaabisi iswaydaarsi ah oo dhaxmaray mujaahidiinta Jabhadda Al-Nusrah ee ka dagaallama wadanka Suuriya iyo xukuumadda dabadhilifka Lubnaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markii ugu horraysay waxaa dhaqan galay heshiis maxaabisi iswaydaarsi ah oo dhaxmaray mujaahidiinta Jabhadda Al-Nusrah ee ka dagaallama wadanka Suuriya iyo xukuumadda dabadhilifka Lubnaan.

Wararka ka imaanaya xadbeenaadka ay wadaagaan Suuriya iyo Lubnaan ayaa sheegaya in maxaabiis lagula kala wareegay,xukuumadda Lubnaan ayaa lagu wareejiyay 16 askari oo katirsanaa Melleteriga kuwaasi oo sanad ka hor lagu qabtay dagaal ka dhacay manadiqadda Carsaal.

Xukuumadda Lubnaan ayaa iyana sii daysay 13 dad muslimiin sunni ah oo ay kamid yihiin saraakiil mujaahidiin ah,sidoo kale qodobada heshiiska waxaa kamid ah in xukuumadda Lubnaan ay dadka barakacayaasha suuriyaanka ah u ogolaato adeegyo caafimaad islamarkaana ay ka joojiso cadaadiska ay ku heyso.


Dadka lasii daayay waxaa kamid ah saajida alduleymi oo horay u aheyd xaaska Sheekh Abuu Bakar Baqdaadi hoggaamiyaha dowladda islaamiga ah balse hadda u dhaxda sarkaal katirsan jabhadda Al Nusrah.

Related Items